· da,da gabay cabdoow
· hadan doobir kol u qaato
· ma dareersho maansada
· hadaan deelku ila jiidhin
· madaneeyo xajada haday
· dacal u dhaafayso
· danta guud an eegee
· miyaa hadalka la ii diidey
· awdaleey dadkaagii
· dibi foofey weeyoo
· ma daneeyo waylaha
· ku daboolan xeradee
· markuu dooga helo ee
· dibirada cirkaa tago
· Eew dig kasiiyo calafkii
· ma dareemo maatida
· iyo kuwa itaal daran
· neefkiise dihinee
· waylihii dareemaa
· Ee doono xeradii
· dib u celin kumaagaa
· durduruu sameeyaa
· aniga dadkaygii
· daray ba la galiyoo
· ma dareerto maatadu
· dhulkii dooga waynaa
· dhiigaa duleeloo
· madegana warkaygani
· dibirawayn gadaasheed
· calixaydh docdeedii
· qolqolkii ragbaa dagay
· dariiqi ma mari karo
· dadqalba inoo yimi
· xaajadu daboolane
· daaha yaa ka ragi kara
· bankii duudka waynaa
· buurihii daboolaa
· khayraadka dihiniyo
· dhulkii dahabku yaaliyo
· dareemada qurxoonayd
· saylac way ka durugtoo
· duul kalaa ka taliyoo
· ma dagana warkedii
· dagaankii dilaadee
· danta guud ahaa iyo
· madalkii ma daayana
· anigana dushaydaa
· lagu kala dareeroo
· aroorseel midbaa dagay
· mid kala ka daba yimi
· sacadiin ka daahfurey
· doqnoow dhulkaagii
· lagu kala dereeryoo
· dulmi bay u eeg tahay
· hadii duulku kula dago
· dab mashido halyaygii
· daandaansi ma leh maris
· lughayuu ku dabar go,ay
· geesaale diidbuu
· dubaakhiisu uu yahay oo
· kala durug ujeedada
· dudub wuu hurdaa wali
· qabriguu dulyaalaa
· siyaaruu ka daba dhacay
· kiisa dayrka fuulaa
· dhulka uma so dago
· kaba daahan xaajada
· ma damqado ciisena
· danbas baa lamariyoo
· meel uunbuu dagiigaa
· aniga dadka u wayn
· ku dagalaa qaarkale
· waa mayordoonoo
· muuse fiin damweeyaan
· danta guud ma eegee
· nin kalaa ku daba jira
· hirdanka uu la doontaa
· sidii dibi is giiraa
· haduu dabinka soo galo
· dacalada ka riixaa
· dila waa la dumiyoo
· la duraa walaalkeen
· dulmi buu tirsanayaa
· la daba ishii bidix
· cadeedana ka daahaa
· bankii baa ladagay buu
· ninkii dibiga meeraray
· doormooday kaligii
· ka didaa ureedoo
· ku dilaa dadkoo idil
· cabdalana dabkuu shiday
· iyo dabinka uu dhigay
· diirsha ku dhacayoo
· jaarana kasii durug
· ka danaysay ciisaha
· celigii dadkaba nacay
· oromada kadaba roor
· daris buu ku yeeshoo
· maba doono samaroon
· waa la dagay duleedkii
· obokor dulyaaloo
· xuunshalay dusheediyo
· maba dhaafo xayndaab
· alow yaa dabkaa shidan
· taar uun ku dira oo
· dulmigaa u sheegoo
· halyaygii malagu dilay
· dareensiiyo roobloo
· danta guud u sheegoo
· u daah fura aqoontaa
· jidgoona ka daba dira
· ninka dibada tagayee
· ka dibiray aqoonee
· duunyo eebe siiyee
· ka damiina hawlahan
· dibi foosey weeyee
· dad nimada ayaa bari
· danta guudna fahan siin
· duulkaa qurbaha dagay
· dib u eegin goobtii
· xuduntood ku duugnayd
· Ee dadkii ilaawee
· la garaada duunyada
· waa saxar dabayliyo
· duufaanku qaadoo
· shalow weyn ka daba ridey
· waxa aniga ii daran
· ninka duluca fura ee
· deeqyar ka baxiyee
· dariiqii dilaad iyo
· daaweeya boorame
· danta guud ilaashee
· xeebtii dareemee
· iskuxidha dab iyo shilin
· damaciisu wayn yahay
· alahayoow dadkaygii
· diintaada fahansii
· dadnimada ha moogsiin
· dareenkooda soo celi
· damacooda kor u qaad
· daymada dhexdoodiyo
· ka dabool xumaatada
· sadexdana ka dabargoo
· ha dareemo cadowguye
· markii duulku roonaa
· dadnimadu wacnaydee
· xadhig dabari jiidnaa
· haadkaa duleedkiyo
· doofaarku qaylada
· dacal buu lamari jirey
· imikan danba tidhi
· hadii duulku liicoo
· dadnimadii halowdoo
· sadex uun la daba maray
· in la daaco xagaloo
· dacawadu haratido
· darbigii adkaan jirey
· willkay ma doogsado
· wuu dabooley qalinkii
· ma daahfuro shahaadad
· doqonkuu la jiifaa
· doormood shaxaadoo
· dulmi buu ku sugan yahay
· haweenkii danbaa tidhi
· daahiina hoos gala
· ka daboola dhagahiin
· duruufaha arliga jira
· damqashana ha xaalayn
· diracaaga ku eekoow
· lasinow dadkaagoo
· dareenkaa iska iloow
·
· dulmanoow da,daydii
· duqaydii maxa helay
· yaa duqeeyay waayeel
· hadalkii u diidoo
· dulmariyey kaaraha
· doobtii haratiyey
· sadexdaa ka dab ridey
· danaystaha ka wad dhigay
· siyaasigii dadkaygoow
· madaxdii dalkaygoow
· dareenkiin maxa helay
· aaway dadnimadii
· dantii guud maxa helay
· yaa daweeyo howlaha
· ka damqada xumaatada
· dib u socodka diidoo
· hogaamiyo dadkiisoo
· jahligana ka dabar jara
· waxa diidey taasoo
· danta guud hareer maray
· damiin shilin ka daba dhacay
· kiisha wayn dabooshoo
· iimaankii dabraayiyo
· damiirkii ka foofoo
· dadnimadii ka sara maray
· malaha waan danbaabnoo
· dunuub baa la galay wayn
· yaa eego dirirkoo
· xidigaha ka daashoon
· daah furi ujeedada
· dulucdeeda ya garan
· tolow yaan la doodaa
· da,da gabay hingaadshoo
· dadkaygii wax fahansiin
Mohamed Gacan
gacan70@hotmail.com