|

03 Jan 2010
Heesta Sanad guurada 2010 Iyo saadaasha Umada Mid Waliba waxuu Filayo By Mohamed Gacan
· Sanad waliba hoodiyo
· waxuu himilo soo wado
· ayaa laga sugaayoo
· si wayn loo fishaayoo
· sareediiyo wanaagiyo
· samafal iyo hiilbaa
· lagu soo dhaweeyaa
· Aniguna sideydaba
· samir iyo wanagbaan
· sanku neefle oo didil
· ugu wada sitaayoo
· sanadkani ku eegaa
· Sanadkii socdaalee
· saanadiisu dhaaftiyo
· kan kalee la sugayaan
· sama uun rajeeyaa
· si wayn ugu tixmaalaa
· suuradiisa sheegaa
· saadaal ku waabaa
· Sanadkii tobnaadoow
· saadaal aad u wacanbaan
· kali kaa sugaynaa
· umadoo samaatiyo
· sinnaan iyo wanaagbaan
· kaa eegnay sanad yahow
· Samadoo furnaatiyo
· abaartoon ka suulniyo
· qabiilkoo la saafiyo
· suurdiis la waayaan
· sanad yahow sugaynaa
· Aqoontoo siyaadiyo
· cilmigoo sare u mara
· jahligoon ka suulnaan
· sanad yahow sugaynaa
· Alahayoow na sama baxi
· sanadkaa tobnadoo
· sanadguura wacan baan
· sanad yahow sugaynaa
· Niyadoo samaantiyo
· saadaal wanag iyo
· hagardaamo samirkeed
· dhaxal laga sifeeyoo
· dadku wada samaadaan
· sanad yahow sugaynaa
· Dhulkoo loo samraa iyo
· xasadkoo la saariyo
· qodaalkoo la simo iyo
· arladoo la saafaan
· sanad yahow sugaynaa
· San ku neefle oo idil
· waxa laga sameeyee
· suurdiis ku joogtaa
· saanad iyo jacayl iyo
· hida soo jireenee
· gabadh suu banoo
· hidaheeda sida taan
· sanad yahow sugaynaa
· alahayoow sidey noqon
· doob sanad ka joogoo
· gabdhuu sugaayana
· sanqashadu ku badan tahay
· isaguna samaan iyo
· samir uun ku raajoo
· rajadiis saraysaan
· samo uun filaayoo
· wuxuunbaan sugaayee
· sanad yahow ma nabad baa
· inantii sagaalkiyo
· tiro suuban oo idil
· sanadkani u yahayee
· soo jireen filaysee
· saanadeedu joogtaa
· saadaal maxaa jira
· sanad yahow sidaayoo
· hadyad aad u siisaa
· gabadhaa ku sugaysee
· kusoo dhawaysee
· sanadyahow ma nabadbaa
· kugu wada salaantee
· kaa filaysa saadaal
· sanad guurdadii tagay
· soomaalilandbaa
· ixtiraaf sugaysee
· ma sidaa wanaagoo
· saadaashuna ma wacan tahay
· sanad yahow ma nabad baa
· taladii sokeeyaha
· si wayn ma u haleeshoo
· xumihii ma suuloo
· dirirkii ma saxan yahay
· saanadii rasaastiyo
· soomali layntii
· sanad yahow ma gooysoo
· ma saraysaa nabadii
· wadaadkii saxnaan jirey
· umada u sareeyee
· samo lagu ogaanjirey
· seef aad u wayniyo
· sifihii qulqulatiyo
· ku sifoow xumaanee
· saadaasha badhoo
· sanad yahow wanag uun
· kala sinoow kuwii hore
· siyaasigii dalkiisana
· kusafaadi jirinee
· samo uu horseediyo
· calankoo la sido iyo
· samir badan lahaan jirey
· si kaluu u eegoo
· ma saxnee warkiisuna
· sanad yahow wanaag uun
· kala sinoow kuwii hore
· madax sanadkan joogtaa
· sifahood ma fiicnoo
· hurguraa salooshoo
· sacadiin ma noolee
· alahayoow nasama baxi
· ku macaarid sida oo
· saanadaa la cunyana
· sida ayga uriyaa
· soo jiidanayoo
· sifahood ma fiicnee
· alahayoow nasama baxi
· taariikhdoo sagaala
· sanadkii tobnaad yimi
· sifaheedu wacanaa
· sadaashu waynaa
· soo jira manoolee
· qarni wali wuu socon
· kan kalee la sugayaa
· sidee bu u eeg yahay
· sanadkii tabnadoow
· saadaal wanaag baan
· kaa sugaynaa adigee
· sanad yahow wanaag uun
· kala sinoow kuwii hore
Mohamed Gacan
gacan70@hotmail.com
|