Cismaan Hindi oo Caddeeyey in Eedayntii uu KULMIYE u jeediyey aanay Wax Saamayn ah ku Yeelanayn Shakhsiyadiisa Read More

Hargeysa: Guddoomiyaha Olalaha Doorashooyinka ee xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi), ayaa shaaca ka qaaday in aanay shakhsi ahaan isaga wax saamayn ah ku yeelan doonin eedayntii uu xisbiga KULMIYE u jeediyey ee ahayd inuu xidhiidh la leeyahay kooxda Al-shabaab ee ka daagalanta Somaliya.
Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu shalay siiyey wargeyska Jamhuuriya, kaasi oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin caddaymaha uu u hayo eedaha xisbigiisu mucaaridka u jeediyo ee ah inay hortaagan yihiin aqoonsi Somaliland ka hesho beesha caalamka.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan;
Jamhuuriya: Xisbiga KULMIYE waxa uu idinku eedeeyaa in UDUB iyo xukuumaddu caadaysteen ku-tacadiga taageerayaasha KULMIYE, arrintaas sideed u aragtaa?
Cismaan Hindi: Horta taageerayaal KULMIYE oo la laayey ma jiro, waxa jirtay in dorraad ilaa shalay in xisbiga KULMIYE ku baahiyey warbaahinta in la xidhay Guddoomiyihii Degmada Wajaale, warkaas oo aanay hubin, waxaanna beeniyey Guddoomiyihii Wajaale ee KULMIYE oo sheegay in aan la xidhin.
Waxa kale oo jirtay laba nin oo maxaabiista Berbera isku dilay inay yidhaahdeen taageerayaal KULMIYE ah ayaa la garaacay, markaa hadalkaas waa mid aanay hubsan.
Jamhuuriya: Dhowaan waxad xisbiga KULMIYE ku eedaysay inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab, taas oo ay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE kaga jawaabeen dacwada u gudbiyeen maxkamadda, isla markaana aanay kula shaqayn doonin, taasi saameyn intee le’eg ayey kugu yeelanaysaa adiga?
Cismaan Hindi: Aniga wax saameyn ah iguma yeelanayso, anigu iyaga uma daba fadhiyo shaqadayda, ruqsadna uga qaadan maayo, xisbiga UDUB ayaanan hawl u hayaa, warsaxaafadeedkaygiina aniga ayaa ka masuul ah.
Jamhuuriya: Waxa jirtay in dhowaan ciidanka bileysku calamadii ka goostay xisbiga KULMIYE, taa maxaad idiinka meel yaal?
Cismaan Hindi: Taasi waxay ahayd olole uu bilaabay oo aan ololihii bilaabmin, dariiqyadiina calamo ka taageen, iyada oo aanay Komishanku sheegin in aannu ololihii bilaabmin, sababtaasaana keentay in ciidanka bileysku calamadaa ka guraan.
Jamhuuriya: Waxa la sheegaa in xisbiga UDUB uu ololaha ku raadiyo si uu dhallinyarada u kasbado gawaadhi uu u iibiyo, qaad iyo lacag, taas maxaa ka jira?
Cismaan Hindi: Horta waxa la yidhi nin daad qaaday xumbo cuskay, xisbiga mucaaradka ee KULMIYE ee dacaayado uu faafiyo, marka dhallinyaradii ka soo digo-rogatay uu ku sheegay inay yihiin qaar dhuuni-raac ah.
Jamhuuriya: Had iyo jeer xisbiyada mucaaradka waxaad ku sheegtaan inay diidan yihiin ictiraafka Somaliland, maxaad ku caddaynaysaa arrintaas?
Cismaan Hindi: Waxa jira qoraallo had iyo jeer sameeyaan oo ay caalamka u qoraan iyaga oo sawir xun caalamka ka siinaya Somaliland, hay’adaha deeqbixiyeyaashana yidhaahda deeqdaad bixisaan ciddii UDUB ah ayaa la siiyaa.
Weraarpress.com