Idiris Muxumad Sacad, oo Beeniyey Inuu Jiro Dhul Ku
Yaal Jasiiradda Sacaaddiin oo ay Cidkale Ku Muransan Yihii
Anigu waxan ahay nin ganacsade ah, oo aan wax xidhiidha ah la lahayn dhulkaa la sheegeyo,
isla markaana an hore iyo dib toona cid kale ku qabsanin dhul ka mid ah degaankaasi.
Hadii an doonayo inaan dhul iibsado waxan iibsan karaa dhul madax bannaan oo aanaan cid kal
iskagana hor iman, cidna aanan isku kula murmin.Read More
Boorama (Harowo) - Idris Muxumad Sacad oo ka mid ah ganacsatada caanka ah magaalada Boorama, ayaa sheegay inaanay jirn haba yaraatee dhul uu ka iibsaday Jasiiradda Saacadiin ee degaanka Saylac, isla markaana anay jirin cid ay ku muransanyihiin dhul uu ku leeyahay jasiiraddaasi. Ganacsade Idiris Muxumed Sacad, oo jawaab ka bixinyey warar dhawaanta lagu baahiyey wargeysyada dalka iyo shabakadaha wararka, ayaa gebi ahaamba beeniyey inuu lug ku leeyahay muranka ka taagan Jasiiradda Sacaaddiin. Ganacsade Idris oo igalasoo xidhiidhay mid ka mid ah dalalka Carabta, ayaa sidoo kale sheegay inaanay waxba ka khuseynin arrimaha jasiiraddaasi, wax xidhiidha ahna aanu la lahayn salaadiinta hada ku hawlan arimaha Jasiiradda.
Ganacsade Idiris Muxumad Sacad, ayaa sidoo kale kale warbaahinta gobolka kaga cawday inay magaciisa kusoo qaadeen arrimaha Jasiiradda Sacaaddiin, iyagoo an waxba hubsan, waxna weydiinin.
Ganacsadaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yid: “Waxan run ahaantii la yaabay wararka lagu daabacay wargeysyada dalka qaarkood, laguna baahiyey shabakadaha wararka ee ku saabsan inaan ka mid ahay ganacsade reer Boorama ah oo lug ku leh muran ku saabsan dhul ku yaalla Jasiiradda Saacaddiin ee G/selel.
Anigu waxan ahay nin ganacsade ah, oo aan wax xidhiidha ah la lahayn dhulkaa la sheegeyo, isla markaana an hore iyo dib toona cid kale ku qabsanin dhul ka mid ah degaankaasi. Hadii an doonayo inaan dhul iibsado waxan iibsan karaa dhul madax bannaan oo aanaan cid kale, iskagana hor iman, cidna aanan isku kula murmin.
Mana garanayo sababta dhulkaasi igu khasbaysa murankiisa ama an cid kale ugu dhiirri gelin karo murankiisa cid kale ku qabsado ama cid kale muran na dhex maraba.
Haddaba, markaad eegto wararka la xidhiidha Jasiiraddaasi iyo xidhiidhka la igu xidhiidhiyey dhulkaasi, ayaan u arkaa uun gef iyo khalad la iila badheedhay.
Waxan warbaahinta kula taklinayaa inay qiimeeyaan wararka ay tebinayaan, isla markaana anay ku gefin xuquuqda gaarka ah ee muwaadinka, oo ay qoraan warar la hubo, balse anay dadka ku jaahwareerin wax mala awaal ah.
Waxan mar kale xusuusinayaa cid kastoo tuhun ka qabta ama igu xidhiidhinaysa muranka dhulka Jasiiradda Sacaaddiin ee la igusoo daray in aanan haba yaraatee wax lug ah ku lahayn, waxna anay iga khuseynin arrimaheeda hadii ay shicib, dawlad ama ganacsato kaleba tahay, cid kastoo arrimahaa igu tuhunsanina ay iska llawdo.”
Ganacsade Idris Muxumad Sacad
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland