HOME    CONTACT US   ABOUT US 

 

 

 

 

 

helping-hand-copy

 

 

07 Jan 2010

Jidgooyo fashilantay oo ay Dadqalatada reer Gabiley La  Damac Sanayeen Maamulka Jaamacada Camuud. Read More

                         

 

 

 

 

Dadqalatada reer Gabiley ee dhawaan xasuuqa geysatey oo ku fashilmay jidgooyo kale oo ay ku damacsanaayeen inay ku qafaashaan wafti Gudooyaha Jaamacada Camuud Pro. Sulayman Axmed uu horkacayey oo kasoo kicitimay magaalada Hargeysa kuna socday Magaalada Borama

 

Dilla(Saylac.com) Kudhawaad afar gaadhi oo ku hubaysan hubka darandooriga u dhaca oo ay wateen dadqalatada reer Gabiley ee sanadkii inaga tagay xasuuqa u geystey afarta musaafir ayaa la sheegay inay saakay mar kale jidgooyo halis keeni lahayd u galeen jidka u dhexeeya Gabiley iyo Hargeysa wafti uu hogaaminayey Gudoomiyaha Jaamacada Camuud  Pro Sulayman Axmed iyo madax kale oo uu ku jiro Pro Boqore, Pro.Axmed CabdiCabdilahi  iyo kuwo kale.

 

Sida warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay ilo mareegyo lagu kalsoonyahay ay shegeen jidgooyada ina raage qaate ayaa la sheegay inay ka warheleen  waftigan Jaamacada Camuud oo dhawaanahan Hargeysa u joogay arimo ku taqalusa deeq waxbarasho oo ay Dawlada Itoobiya siisey ardaydii ugu badnayd ee somaliland ah ee deeq waxbarasho ka hesha dalalka deriska ee Kenya iyo Itoobiya.

Wararka ayaa waxa intaa kudareen in mudo yar ay waftigu dib uga dhaceen soo gaadhida wakhtigii ay budhcadu u sii gashay jidka isla markaana ay badhcadu ku qaldameen gawaadhi kale oo dadkale saarnaa ka dibna ay iska sii daayeen markii ay ka waayeen waftiga Jaamacada Camuud ee ay damacsanaayeen inay qafaashaan.

 

Waftiga Jaamacada Camuud ayaa waxa la sheegay in si ay ugudbaan la raaciyey ciidamo dhinaca dawlada ah isla markaana si nabad ah ku gaadhay magaaladda Borama.

 

Budhcada jidgooyada caadaysatey ee reer Gabiley ayaa waxay alaaba gumaad toosa u qorshaystaan shaqsiyaadka astaanta u ah gobolka Awdal iyagoo dhawaan si bani aadanimada ka baxsan u jarjaray afar marxuum oo uu ka mid ahaa Pro. waxka dhigi jiray Jaamacada Hargeysa oo asalkiisu kasoo jeeday gobolka Awdal.

Isku socodka jidka u dhexeeya Borama iyo Hargeysa ayaa hagad galay ka dib markii ciidamo dhinaca Dawlada ah laso dhoobay jidka si loo sugo amaanka jidka u dhexeeya Gabiley iyo Hargeysa.

 

Isku daygan shilkan halista ah ayaa waxa uu kusoo beegmay wakhti ay dadweyanaha reer Awdal dibad iyo gudaba ay baaqyo kala duwan udireen xukumada somaliland sidii ay sharciga u horkeeni lahayd dadqalatada reer Gabiley ee wali wada jidgooyada iyo xasuuqa aqoonyahanada reer Awdal ee aan waxba galabsan.

Saylac.com
Dilla, Awdal

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Weraarpress.Com© 2003 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

 

 

                                                                                                        

   

 

 

 

 

 

 

                                                                                               

                                                                                                              AWDAL WERAARPRESS.COM