HOME    CONTACT US   ABOUT US 

 

 

 

 

 

helping-hand-copy

 

02 Jan 2010

 

Kulmiye Oo Sheegay In Shacabka Djibouti Ee Beeshe Ciise Naf Iyo Maalba U Hureer Halgankii Snm

 

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, January 1, 2010-(Haatuf) - Xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ayaa xukuumadda Rayaale ku eedeeyay in aanay dalka uga faa’iideyn dhaqaalihii faraha badnaa ee sanadkan dhamaaday ka soo galay hantidii ma guurtada aheyd ee ay xaraashtay, lacagihii badnaa ee ka soo xerooday dhoofkii xoolaha iyo cashuurihii sida sharciga baalmarsan ay wasaaradda maaliyadu ugu kordhisay muwaadiniinta.sidoo kale waxa uu xisbiga Kulmiye  markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dadweynaha reer Djibouti naf iyo maalba u hureen halgankii dib u xoreynta  SNM hogaaminaysay.Guddoomiye ku xigeenka koowaad  xisbiga Kulmiye isla markaana ah ku simaha guddoomiyaha, Muuse Biixi Cabdi ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shirkiisa jaraa’id waxa kale oo uu kaga hadlay guulaha ay Somaliland gaadhay sanadkii tagay oo ay ugu waaweynaayeen.   Nabadgelyo guud oo dalka ka jirtay, iyadoo geeska Africa dagaalo badani ka socdaan.

2.   Dhoofkii xoolaha wakhtigii Xajka oo ahayd fursad wacan, walow aan si rasmi ah loo furin.

3.   Arday badan oo ka qalin jebisay Jaamacadaha kala duwan ee dalka JSL, in kasta oo aanay badankoodu shaqo helin.

4.   Budhcad badeed Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ka soo qabteen badda.

5.   Wufuud kala duwan oo dalka soo booqatay.

6.   Ganacsiga xorta ah oo talaabooyin horumar ah qaaday.

Dhanka kale waxa uu Muuse Biixi soo bandhigay dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee soo maray Somaliland sanadkaasi oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen, Dagaalada koonfurta Soomaaliya ka socda oo saamayn xun ku yeeshay hab-sami-u-socodka hawlaha dhaqaale iyo horumarineed ee Somaliland. Reer Somaliland waxa aad uga warwarsan yihiin in dagaalada koonfurta firirkoodu soo gaadho, waa cabsi joogta ah oo hantaaqaysa maamul wanaagii, horumarkii dhaqaale iyo kalsoonidii Bulshadu wax badan ku qabsan lahayd.

2.   Shirqoolkii cadowga Somaliland soo maleegay ee lagu dilay Taliyihii qaybta bariga ee Magaalada laascaanood.

3.   Waa sanadkii ugu dhimashada badnaa dhalinyarada tahriibta ee Somaliland. Waa nasiib darro in aynaan wali u helin xal ay dhalinyaradu kaga negaato is-miidaaminta.

4.   Doorashadii Madaxtooyada, tii Guurtida, iyo tii Deegaanka oo dhammaantood muddo dhaafay. Arrintaas oo keentay khilaaf siyaasadeed oo dalka gil-gilay. Waxa iska horyimid Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumada, dhinaca kalena waxa isk horyimid Golayaasha sharci-dejinta iyo Xukuumada.

5.   Mudaharaadyo lagu diidan yahay muddo dhaafka oo dalka ka dhacay. Xukuumada oo mudaharaadyada ku dishay, ku dhaawacday, kuna xidh-xidhay muwaadiniin badan.

6.   Rasaastii Ciidanka boolisku ku fureen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo aan xukuumadu wax talaabo ah ka qaadin.

7.   Sanadkii 2009 Xisbiga KULMIYE, Waxa soo maray shilal naxdin leh oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

8.   Waa sanadkii ugu horeeyey ee Somaliland taladeeda ku filnaan wayday ee dibeda laga soo fara-geliyey.

9.   Sanadkii 2009, in kastoo hantidii ma-guurtada ahayd ee Qaranka Xukuumadu xaraashtay, inkasta oo dhaqaale xoog leh ka soo galay dhoofkii xoolaha, in kasta oo cashuuro Wasaaradu ku kordhisay sifo sharciga baalmarsan, hadana, dhaqaalaha dalku muu samayn horumar, mushaharooyinkii lama kordhin, mashaariic horumarin ah lama samayn, shaqo la’aantii lama yarayn, dhalinyarada garoomo ay ku cayaaraan looma kordhin, kuwii horena lama dayactirin, adeegii caafimaad horumar lagama samayn, biyo yaraantii lagama hawl-gelin, xataa biriishkii Hargeysa ee qabyada ahaa waxba laguma kordhin oo waa halkisii” ayuu yidhi, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Intaa kaddib waxa uu Muuse Biixi soo bandhigay rajada uu xisbigooda Kulmiye ka qabo inay u romowdo sanadka cusub, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “Xisbiga KULMIYE isaga oo dareensan dhibaatooyinka guud ahaan ka jira caalamka oo ay ka mid yihiin dib-u-dhac dhaqaale, cimilada oo is-bedeshay, nabadgalyo xumo ku baahaysa caalamka iyo colaadaha ka aloosan geeska Africa.

Iyada oo ay jiraan waliba duruufaha adag ee Somaliland u gaarka ah, hadana sidaa ay tahay Xisbiga KULMIYE wuxuu sadaalinayaa is-bedel khayr leh oo ku yimaada dalka 2010-ka.

Kulmiye wuxuu naawilayaa in sanadka 2010-ka ay Somaliland ka samayso horumar dhinacyada nabadgalyada, Siyaasada iyo  dhaqaalaha.

KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in ay Somaliland horumar samayn karto haddii aynu helno talo hufan daacad ah oo dalka lagu hogaamiyo, waxa hubaal ah in dhaqaalaha dalku haddii laga xakameeyo musuqa, si wanaagsana loo qorsheeyo in shaqaalaha iyo ciidamada  mushahar ku filan la siin karo, iyo in da’yarta shaqooyin loo abuuri karo.

Waxa hubaal ah, in dadka reer Somaliland ay ku jiraan dad karti, aqoon iyo hibo u leh curinta qorshe  dhaqaale iyo hufnaanta maamulka, tusaale waxa inoogu filan shirkadaha gaarka ah ee Somaliland oo sameeyey dhaqaale iyo maamul ku dayasho leh.

 Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa haddii la helo talo laga wada qayb-galo oo la abuuro is-aamin bulsho (Social thrust) in la gaadhi karo horumar.

 Sida ku cad daraasadaha UN-ka Shacbiga Somaliland 54% waa Dhalinyaro, da’doodu tahay ilaa 20 jir, 5% ayaa ka weyn 65 jir, dhinaca kale 51% waa Haween, 70% waa reer miyi. Xisbiga KULMIYE, wuxuu u arkaa in talada dalka marka la qorshaynayo lagu saleeyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo baahiyahooda kala duwan.

  Xisbiga KULMIYE, wuxuu u han weyn yahay in sanadkan 2010 bilaha u horeeya ay inoo qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo nabadgalyo inoogu dhacda. Kulmiye wuxuu galayaa tartan, isaga oo soo bandhigayaa barnaamij dhamaystiran, dhinac nabadgelyo, horumar iyo ictiraaf raadin ah. Xisbiga KULMIYE wuxuu daris wanaag iyo xidhiidh dhaw la yeelanayaa dalalka jaarka ah oo ay ugu horeeyaan Djibouti iyo Ethiopia oo aynu labadaba la leenahay xuduud dhulka ah.

 Xisbiga KULMIYE, wuxuu ogyahay in shacbiga Djibouti yihiin kuwii ka qaybqaatay halgankii dalka lagu xoraynaayey ee SNM ee naf iyo maalba u huray, iyadoo Ethiopia-yana ahayd hoygii halgankii SNM

 Xisbiga KULMIYE barnaamijkiisa waxa udub dhexaad u ah talo wadaag. Xisbiga KULMIYE wuxuu wada-shaqayn dhaw la yeelanayaa hay’adaha Qaranka, qaybaha bulshada ee kala ah, Culimada, Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, Ururada xirfadlayda ah (Professional associations), Warbaahinta, suugaan yahanka, Haweenka, dhalinyarada iyo Xisbiyada siyaasiga ah.

 Xisbiga KULMIYE, waxa u sharaxan doorashada soo socota hoggaamiye rug-cadaaya, hayin ah, hal-gamaa ah, oo ka saari kara marxalada dalku ku jiro. Madaxda Xisbiga KULMIYE, waxay umada hor imanayaan iyaga wata  taariikhdoodii halgan, waaya-aragnimadooda, aqoontooda iyo kartidooda oo ay Umaddu si fiican u taqaan. Madaxda KULMIYE maaha mid ku cusub Shacbiga Somaliland. Waxay la soo qaysadeen shacbiga Somaliland waayihii adkaa.

 Xisbiga KULMIYE, wuxuu ku kalsoon yahay isaga oo ay is-kaashanayaan muwaadiniinta Somaliland ee horumarka jecel inay ku guulasan doonaan doorashooyinka soo socda. Taas oo keeni doonta is-bedelka dalku u baahan yahay ee aynu kaga bixi karno musuqa, tahriibka, iyo shaqo la’aanta”.ayuu hadalkisa ku soo gabagabeeyay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Intaa kaddib ayaa weriyayaashii ka qayb galay shirka jaraa’id waxa ay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ay halkaaski ku weydiiyeen su’aalo, waxana ka mid ahaa su’aalihii la weydiiyay kuwan soo socda

S : Goobaha lagu falanqeeyo siyaasada Somaliland waxa yaala warar sheegaya in khilaaf soo kala dhex galay hogaanka sare ee Kulmiye gaar ahaan adiga iyo Axmed Siilaanyo, arrimahaa maxaa ka jira?

J : Ma jiro khilaaf wax duminaya oo ka dhexeeya madaxda Kulmiye, teeda kale meesha dimuqraadiyadi taalo waa lagu doodaa, aniga iyo Axmed Siilaanyo labaatan sanadood baanu soo wada shaqeynaynay oo aanu  duurka ku wada jirnay markaa ku kala tagi meyno doodaha gudahayaga yaala ayuun baa suuqa gaadhay.

S : Waxa la sheegaa in aad adigu mar kasta abuurto khilaafka xisbiga Kulmiye?

J : anigu ma abuuro khilaaf iskumana heysto sidaa laakiin haddii aad adigu sidaa u heysato waa gaar.

S : Toddobaadkii hore waxa dhamaaday sanadkii Hijriyada ee Islaamka markaa maxaad sanadkaa u xusi weydeen ee aad kan gaalada u xuseysaan?

J : Adeer  adiguba mushaharka waxad ku qaadataa sanadka Miilaadiga ama Gregory-ga , dadkeenuna sanadkan bay ku shaqeeyaan oo dawlada iyo hay’daha dalka oo dhami ku shaqeeyaan.

S : Waxa lagugu tilmaamaa nin suxufiyiinta ku ad adag, sanadkan wax ma ka bedelaysaa dhaqankaagii hore ee aad suxufiyiinta kula dhaqmi jirtay?

J : Haddii aad uga  jeedo inan kasta oo rikoodh kuula yimaada oo aanad garaneyn u buuxi rikoodhka taa waxba ka bedeli maayo oo dee adeer inan yar oo aanan garanayn meel uu ka socdo  oo mar walba hadal uun I yidhaa waxba isku wareerin maayo, haddiise aad u jeedo saxaafada si wanaagsan ula dhaqan waxan ku odhan lahaa imika waan bislaaday oo waan jilcay ee ragii hore ee Muuse Jaambiir iyo Wayab ay ka mid ahaayeen bal wareyso sidaanu isku ahayn, meel bay I joojiyeen halkii uun baan taaganahay.

 

 

Source Haatuf

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Weraarpress.Com© 2003 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

 

 

                                                                                                        

   

 

 

 

 

 

 

                                                                                               

                                                                                                              AWDAL WERAARPRESS.COM