Maxay Salaadiintii Ka Soo Laabatay Saylac Ku Sheegeen Shirkoodii Jaraa’id Ee Maanta Read More
By lug in News
Waxa ay Naga Xanibeen Doonyihii…. Waxana uu Maamulka Saylac noo Sheegay in Amarku uu Yahay Mid Ka Yimid Madaxtooyada…. Sul. Baade
Boorama-(Lug)-Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen hoteel Rays Salaadiinta waawayn ee gobolka Awdal ayay kaga warameen waxyaabihii ay kala soo kulmeen maamulka iyo dadka degmada Saylac kadib safar qaatay dhawr maalmood oo ay magaaldaasi ku tageen.
Sul. Xasan Xadi Baade oo ku hadlayay magaca salaadiintan oo ahaa suldaanka kaliya ee ka hadlay shirkaasi Jaraa’id ayaa sheegay in ay saylac u tageen kadib markii ay qaylodhaan dal iyo dibadba leh ka soo gaadhay dadka gobolada Salal iyo Awdl kuwaasi oo sheegayay in Xukuumadu ay shaqsiyaad ka iibisay jasiiradihii Hodanka ahaa ee Ceebaad iyo Sacaadadiin. Suldaan Baade oo hadlkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi waxa aan isku raacnay salaadiin badan waxana ay ujeedadayadu ahayd in aan indhaha soo saarno xaqiiqda jirta.
Mar uu suldaanku ka waramayay waxyaabihii ay la kulmeen ayaa waxa uu yidhi ” waxa aan is aragnay maamulka heer dagmo iyo kan gobol ee Salal iyo Saylac waxa la noo ogolaan waayay in aan aadno Sacaadadiin iyo Ceebaad labadaba waxana ay ku gacanm saydheen Fariintii aan wadnay, Maamulku waxa ay naga xanibeen doonyihii aan u raaci lahayn goobtaas, waxa aan ka galnay ergo balse ma aysan shaqayn waxana ay noo sheegeen in amarku iyaga dhaafsan yahay.
Mar uu Suldaan Baade sii Faahfaahinayay waxa uu uga jeedo Amarku waa na dhaafsan yahay wayaa waxa uu yidhi waxa ay Maamulka degaanka Saylac Noosheegeen in uu amarku yahay mid ka yimid dhinaca
Madaxtooyada oo aanay awood u lahayn in ay u ogolaadaan Salaadiintaasi in ay aadaan Jasiiradahaasi. Waxana uu sii daba dhigay waxa aan u soo laabanay si aan nabada u adkayno oo aan isku dhac u baajino.
Sul. Baade oo markale ka waramayay waxa ay ka war hayaan xaalka Jasiirdahaas ayaa waxa uu yidhi ” wax walba waa xaqiiq, waxa ay maamulka iyo dadka degaankuba noo sheegeen in Jasiiradahaas Lagu wareejiyay foostooyin subidh ah oo la calaamadeeyay.
Inkasta oo uu shirkan Jaraa’id ee salaadiintu qabteen maanta intan ku ekaa ayaa hadana waxa ay dad badani dhaliilayaan fariinta ay salaadiintu ka keentay Saylac. waxana ay dadbadani filayeen in xaalku sidan ka duwanaado marka ay salaadiintu soo laabtaan. waxa kale oo la xusi karaa in Salaadiinta qaarkood ay balan qaadeen in maalmaha soo soqda ay bixin doonaan wararkale oo faahfaahsan.
Xiisada ay Abuureen wararka sheegaya in Jasiiradaha Sacadadiin iyo Ceebeed lagu wareejiyay Shaqsiyaad gaar ah ayaa waxa ay yihiin kuwo ay baryahan dambe saxaafada maxaliga ah ee ka hawl gasha gobolka Awdal aad u hadal hayso isla markana uu u badan yahay hadalhaynta ra’yul caamka dadka ku nool gobolada Awdal iyo Salal, waxase laga warsugayaa waxa ay noqon doonaan talaabooyinka kuwan xiga ee la qaadi doono
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama