HOME    CONTACT US   ABOUT US 

 

 

 

 

 

helping-hand-copy

 

24 Dec 2009

         

 

Ugaaska Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim oo dacwad ka dhana Dahir Rayale u gudbiyey xukumada Dalka Jabuuti 

Dacwadan Ugaaska Beelaha Ciise uu maanta soo gaadhsiiyey Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa waxay ku soo beegantay wakhti muran badani dhexyaalo xukumada somaliland iyo beelaha Samaroon isla markaana lagu talo jiro caleemo saar ugaaska beelaha ciise oo ka dhaca magaalada Saylac.Read More

Djibouti(Saylac.com)- Ugaaska dadayar ee beelaha ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim oo dhawaan lagu wado in lagu caleemo saaro magaalada Saylac ee gobolka Awdal ayaa dacwad uu kaga horjeedo xaraashka jasiirada sacadadiin u gudbiyey madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismcaiil Cumar Geleh. Afhayeenka Ugaaska Beelaha Ciise Mudane  Cabdilahi Subagle Gadiid oo u waramay saylac.com waxa uu sheegay in Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim uu waraaqda kusoo hagaajiyey madaxtooyada Dalka Jabuuti isagoo si hufan uga hadlay dhulka lahadal hayo in dawlada somaliland damacsan tahay inay ku wareejiso dadyow aan gobolka u dhalan.

 

 

Afhayeenka Ugaaska beelaha Ciise oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu sheegay in Ugaasku aad uga xumaaday sida waxshinimada leh ee askarta xukumada Somaliland ay ula dhaqantey Saladiinta beelaha Samaroon ee socdaalka ku yimi xeebaha gobolkooda. isagoo hadlaayana waxa uu yidhi Ugaasku “Aad ayaan uga murugooday in rag sharaf mudan oo Saladiin iyo Cuqaal intaba iskugu jira una dhashay gobolkan laga horjoogsado dhulkoodii inay socdaal ku tagaan, waxa kale oo aan aad uga xumaaday dhulkan tariikhiga ah ee sacadadin oo ah dhul ahmiyad gaar ah u leh Beelaha Samaron iyo Ciise in dadyow aan dhulkan degin oo gobolo fog ka yimid la siiyo lacagoyina la dhaafsado. waxaan usoo jeedinayaa dawlada isku magacawda somaliland inay dhulkan iibdigiisa ka waantowdo dadkana farqalado iyo xiisadaha ay dhex dhigayso ka joojiso.

 


Ugaaska Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahim ayaa sheegay in uu tixgalin weyn u hayo Saladiinta Beelaha Samaroon ee socdaalka ku yimid dhulkooda waxaanu intaa ku daray in aanu marnaba ogolaan doonin xiisad iyo colaad xukumada somaliland ka dhex abuurto umada walaalaha ah.
Afhayeenka Ugaaska beelaha Ciise mudane  Cabdilahi Subagle Gadiid oo saxaafada usoo diray waraaqdan dhambaalka Ugaaska beelaha ciise ayaa waxa uu intaa ku daray in Beelaha Ciise ay marwalba aaminsan yihiin wadanoolaansho iyo darisnimo taam ah oo ay ku wada noolaadaan beelaha samaroon isla markaana ay si wadajir ah beelaha Samaroon ula garab joogaan dufaaca xeebaha saylac ee iibka lagu wado.

Dacwadan Ugaaska Beelaha Ciise uu maanta soo gaadhsiiyey Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa waxay ku soo beegantay wakhti muran badani dhexyaalo xukumada somaliland iyo beelaha Samaroon isla markaana lagu talo jiro caleemo saar ugaaska beelaha ciise oo ka dhaca magaalada Saylac.

 

 

Dhinaca caleema saarkiisa isagoo ugaasku ka hadlaya waxa uu sheegay in caleemasaarka la wado inuu ka dhaco magaalada saylac aanu haba yaraatee lugkulahayn dhulbalaadhsi iyo siyaasad toona ee uu kaliya yahay dhaqan xushmad mudan oo soo jireen ah. isagoo arinkaa ka hadlaayana waxa uu yidhi” Labada Ugaas ee Beelaha ciise iyo Samaroonba waa lagu caleemo saari jirey magaalada saylac waana dhaqan soo jirey sidaan sheeekada ku hayo 5 ugaas oo samaroon ah ayaa lagu caleemo saarey sidoo kalena 6 Ugaas oo Ciise ayaa iyagana lagu caleemo saarey Saylac waana meel qadiim ah oo ahmiyad dhaqan soojireena leh

 

 

Osman Hussein

Saylac.com

Djibouti

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Weraarpress.Com© 2003 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

 

 

                                                                                                        

   

 

 

 

 

 

 

                                                                                                                                                                    

                          AWDAL WERAARPRESS.COM