(Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye)
Hargeysa, December 27, 2009 (Haatuf) - Xildhibaan Faadumo Jaamaca Ileeye oo ah haweenayda kaliya ee ku jirta golaha guurtida ayaa shaaca ka qaaday in haweenka reer Somaliland ay ugu ololayn doonto siddii ay doorashooyinka golayaasha baarlamanka iyo talada qaranka ay uga qayb qaadan lahaayeen,iyadoo intaa ku dartay in mawqifkii hore ee ay kaga codaysay mudo kordhintii golohoodu u sameeyey madaxwayne Rayaale iyo madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin 28 march 2008 ay mudo kordhintii ugu danbaysay ay kaga mawqif duwanayd mawqifkii garabka mucaaridka.
Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo buuxisay kursigii uu ka geeriyooday saygeedii marxuun Maxamed Cismaan Guuleed (Libaaxo) oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weeraradii argagixiso ee 29 october 2008 lala beegsaday qasriga madax tooyada oo wargayska Haatuf shalay waraysi khaasa kula yeeshay xaruunta golaha guurtida ayaa waxay xildhibaan Faadumo kaga hadashay arimo dhinacyo badan taabanaya oo la xidhiidha geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland iyo xaaladaha golohooda, waraysigaasina waxa uu dhacay sidan:
S: mudadii aad golaha guurtida ku jirtay ee sanadka iyo dhawrka bilood ah maxaa fikirkaagii hore iska badalay ka xildhibaan nimadaada ?
J: runtii fikirkaygii hore wax badan baa iska badalay mudadii aan ka mid noqday golaha guurtida, markii hore waxaan ka mid ahaa bulshada haweenka shicibka Somaliland hadana waxaan ka mid ah guurtida runtiina wax badan ayaa iska badalay aragtidii siyaasada iyo la jaanqaadka ee khuseeya guurtida, wakhtigan xaadirka ahna waxaan dareemayaa in xil qaran oo xeer dajin ah aan hayo markaa wax badan oo aan ka korodhsaday golaha aan ka tirsanahay way jiraan.
S: maadaama aad ka tirsantahay golaha guurtida oo ka kooban 82 xildhibaan oo 81 ka mid ahi ay ragyihiin adigoo kaliya aad haween ka tahay ma ka qalootaa kali- nimadaada madasha fadhiga markaad ku sugan tahay ?
J: somalidu waxay ku maahmaahdaa biyo kaa badan iyo colkaa badan labaduba way ku hafiyaan, aad iyo aad baan halkaa cidhiidhi uga tirsadaa, waxaanan aad u jeclaan lahaa inaan helo cid aan la arinsado oo wax igu korsdhisa oo haweenka ka mid ah.
S: awal hore waxaad ka mid ahayd mudanayaashii garabka mucaaridka ee ka codeeyey go’aankii mudo kordhinta 6 bilood ahaa ee goluhu u sameeyey madaxwayne rayaale iyo ku xigeenkiisa 28, march, 2008 mudo kordhintii danbe ee 27 September, 2009 goluhu u sameeyey madaxwaynaha iyo ku xigeenka hadana waxaad ka mid tahay garabka muxaafidka ee soo jeediyey in madaxwaynaha loo kordhiyo mudo sanada arinkaasi maxaad ka odhan lahayd ?
J: horta aduunyadu waa maalmo oo waa kasta oo baryaana waayahiisa ayuu leeyahay, fikirkuna wax meel taagan maaha macquulna maaha in dadku isku wada aragti noqdo oo xaajo nin la tuurleh ayaa nina la toosan, xaqiiqdiise markii horena mawqifkaasi iyo aragtidaasi ayaan qabay, markan danbana waayo kastaaba waayo leh mawqifbaan taagnaa oo aduunyadaa iska caynkaasa, waxaanse aan kuu sheegayaa in ajandihii aan u arko maslaxaada umada inaan taageero kaan u arko inaanu ka turjumayn danaha umadana waan ka hor imanayaa waanan ka codaynayaa.
S: khilaafyada golaha ka dhex aloosan ee labada garab u kala qaybiyey ee ugu danbeeyey khilaafka cakiran ee taagan waxkabadalka xeer hoosaadka taa maxaad ka leedahay ?
J: golaha guurtidu waa golihii ugu sareeyey qaranka waana odayaashii adhaxda iyo indhaha umada, fikirka waa laysku qabankaraa waase laga wada hadlaa oo layska qanciyaa wada tashi iyo isku tanaasulna waan ku guubaabinayaa golahayagu inay ku xaliyaan wixii isqabad ah ee yimaada.
S: markii uu geeriyooday saygaagii marxuum Maxamed Cismaan Guuleed fikirkan aad ku buuxisay kursigiisii golaha ma adiguu kaa soo go’ay go’aanka inaad guurtida ku biirto mise dad kale ayaa kugu dhaliyey inaad ka mid noqoto guurtida, wax ma nooga sheegi kartaa?
J: kolay dalabka maan lahayn somaliduna waxay ku maah maahdaa haad habeen kacay waxa kiciyey buu qabaa, kolay waxa i keenay nin rag ahina wuu garanayaa nacasna loo sheegi maayo, laakiinse anigu qadarka alla ayaan ku imid kamana fikirin golaha guurtida ayaad gali, balse wixii ilaahay qoro ayuun baa qoran xilkana u cararkiisa waxa ka fiican in laguu soo xusho oo laguu garto.
S: haweenka reer Somaliland ee dadaalka ugu jira in golayaasha barlamanka ay isku soo sharaxaan kana qayb qaataan siyaasada dalka ma uga ololaynaysaa golaha sidii ay haweenku uga qayb gali lahaayeen talada qaranka ?
J: haa waan u ololaynayaa waanan ku guubaabinayaa in haweenku ay kusoo dhiiradaan doorashooyinka golayaasha oo ay isku codeeyaan, aniguna maadaama aan haweenka reer Somaliland u ahay xildhibaankooda guurtida waan ku dadaayaa waanan u ololaynayaa sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen baarlamaanka.
Source: Hatufnews