|

30 Dec 200
Beelaha Mahadcase(Samaroon) Intay Jagooyinka Borama Qoryaha U Qaadanayaan Waxa Looga Bahanyahay In Ay Dalkooda Iyo Dagaanadooda Dib Ugu Laabtaan Oo ay Xoraystaan, Markaasna Gadabuursiga Kale Ha Waydiistaan Taageero.By Muumin Nuur Abdilaahi. Read More.

Salaamu calykum marka hore waxansalaamayaa warbaahinta reer Awdal gaar ahaan kuwa wada wacyigalinta dhabta ah ee xaqiiqooyinka badani ka muuqdaan
Hadaan ugudbo maqaalkayga waxa baryahan dambe isa soo taraya cabashooyin ay dadka kasoo jeeda xeebaha AwdaL iyo Selel kaga cabanayaan dhaxalwareejin ay sheegayaan in lagu samaynayo dhulkii ay degaanka ulahaayeen iyaga oo isla markana hanjabaado aan lagaranayn u soo jeedinaya cida aan lagaranayn.
Hadiise aan dhabta ka hadalo dadka xeebaha Awdal iyo Selel dagaan ahaanta u sheegta oo intooda badani ay kasoo jeedaan beelaha Mahadcase ayaan anu u arkaa dad aan eed maahee aan wax talo ah oo kale aan hayn.
Waxaad arkaysaa nin awoowgii ahaa reer lughayaad ama reer Saylac oo hadana boorama jago ku taal intuu tolkii qoryo usoo dhiibo ku dagaalamaya. Dhanka kalana shaqsiyaadka nuucaas ahi waa kuwa afka ku xoreeya xeebaha laakiin an isku dayin in dhulka ay sheeganayaan ay wax dadaala ka galaan, eedaymahoodana waxan anu u arkaa uun waxoogaa xaasidnimo iyo xin ah ee hadii ay ka dhabtahay dhuljacaylku waxay dadkaasi isku dayi lahaayeen in ay dhulkooda dhaqaalaystaan si aanay u iman in dadkale ku amarkutaaleeyaan.
Hadii ay jiraan dad dhulka xeebaha u dhashay oo ay hayso dhul jacay ama dhulka raja ka qabaayi maxaa loo waayay cid ka mudaharaada go’aanada laga guuxayo ee ay ka midka yihiin ugaaska ciise ee la rabo in lagu caleemo saaro saylac.
Anigu ma qabo in ay cid dawlada Somaliland ka mid ihi ku cadaadinayso beelaha mahadcase in aanay ka hadal arinkan oo kale laakiin waxan u arkaa dadka xeebaha sheeganaya ee mahadcase in aanay waxba isla hayn ee kaliya ay eed uun u noolyihiin.
Waa in uu mahadcase oogaado in nin walba meesha uu u dhashay horta isagu dhiigiisa u huro dabadeedna dadka kale uu waydiistaa taageero.
Waana in uu Mahadcase tusaale ka qataa reer nuur oo ah raga maanta difacanaya dagaankooda iyaga oo aan cid kale wax caawima ah aan waydiisan mana aha in reeraha mahadcase ku marmarsiiyoodaan daahirbaa noo diidan wa’ayo daahir reer nuur ayuu u diidilahaa in ay dagaalaman oo ay wax iska celiyaan.
Bal hadaba maxaa loo waayay mahadcase awoodiisa isticmaalaya, anu waxan qabaa hadii ay manta mahadcase muruqooda meel iskugu gaynlahaayeen in gadabuursiga kalana hiil iyo hooba la garabjoogsan lahaayeen laakiim dhamaantood fadhi kudirir dhulkoodii soo baneeyay oo hadana markay boorama joogaan walaalahooda kale u tun wayn ayay noqdeen markaa waa in ay isku dayaan in bal ay iyagu xisaabtamaan intaanay dadka kale eedayn
Soomaalidu waxay ki mahmahan taws nin laa u galgasha tola waa irkiyaa ee bal tolkay mahadcase ha isku dayaan in ay boodha iska hurgufaan hana la’arko hanjabaadahooga oo ay kaga dhabeeyaan. Hadii kale calaacalka caloosha naxanuunuyay ha naga daayaan.
Waa iga talo
Ha la iga raali nodo hadii qoraalka waxyaalo gafa laga dareemo
Muumin Nuur Abdilaahi
Muuminnuur123@yahoo.com
Boorama
|