|

31 Dec 2009
Weraarpress (London) Cali Xaamud Jibriil Oo Ka Kireeyay Kulmiye Qaar ka Mida Jaaliyada
Reer Awdal Ee UK..Sobobta kaliya ee ay dadka kulmiye u ol’oleeyaayi uga qiiraysiinayaan dadka reer awdal/Selel ee daacada ah waa sidii ay uga faa’iidysan lahaayeen iyo sidii qaar kamida beelaha reer Awdal iyo beelaha dhexe iskaga hor keeni lahaayeen Read More
 
Waxa waxa lala yaaba ah iyada oo dadka reer Awdal/Selel gaar ahaan kuwa kasoo jeeda xeebaha goboladaasi ay baryahan dambe cabashooyin aad u badan oo ka dhan ah wax ay ku tilmaameen nidaam xun oo ay sheegeen in Somaliland ay kula dhaqmayso goboladaas ay soo jeedinayeen, ayaa hadan waxa muuqata isla websiteyada ay dadkaasi maamulaan in lagu faafinayo propaganda loogu ol’olaynayo xisbiyada macaridka ah oo iyaguna ka mid ah institutionada Somaliland ee dadkani qaylada badan ka muujinayaan.
Majiraan wax ku saabsan siyaasada gobolada Selel iyo Awdal oo ay ku kala duwanyihiin xisbiyada siyaasada ee Somaliland hadaba maxaa keenay in websiteyada iyo shaqsiyaadka qiirada jaban dadka kula dhexwareegaayi in ay hadana u sacabeeyaan qaar kamida xisbiyada siyaasada ee wadanka ee la wada ogyahay in siyasadooda ku saabsan gobolada aan sheegnay ka sii xajirsantahay xisbiga haatan talada haya.
Tani waxay cadaynaysaa in ay tahay qiirooyinka iyo iska yeelyeelka wadan jacaylka ah ee kasoo baxaya shaqsiyaadkani in ay lamid tahay uun ilmada yaxaaska.
Waxana haboon in dadka kale ee reer Awdala ee daacada ahi ku quustaan sida laba wajiila nimada ah ee ay dadkani uga faa’iidaysanayaan wadani nimadooda.
Sobobta kaliya ee ay dadka kulmiye u ol’oleeyaayi uga qiiraysiinayaan dadka reer awdal/Selel ee daacada ah waa sidii ay uga faa’iidysan lahaayeen iyo sidii qaar kamida beelaha reer Awdal iyo beelaha dhexe iskaga hor keeni lahaayeen
Dalinyarta hada siyaasada dabada qabsatay ee dadka reer soomaliland iska horkeenaya waxa kamid shaqsiyaad aan horayba u sheegnay oo uu ugu horeeyo yarka suntan qaybiya ee la yidhaahdo Cali Xaamud Jibriil kaasi oo kamida yar yarka marna websiteyada wax kusoo qora ee dadka reer AWDAL/SELEL qiirada galiya iyo yarka ina Ciga Biliq oo aan ahayn mid la aamini karo oo ay maskaxda ka xadeen dhawrnin oo qurbaha yurubta joogi.
Waxa iyadna cajiib ah dad waawayn oo masuuliyiina dadka reer Awdalna aad u tixgalinjireen oo xataa laga gaabsado siyaasadana iskaga baxay in ay u ol’olaynayaan xisbiga Kulmiye oo ah mid aad siyaasadiisu ugu lidi tahay gobolada Selel/Awdal.
Gaba gabadii dadka Awrkiraalaha loo kaxaysanayo ee xafladaha magacdooda lagu soo daabacayo oo ay kujiraan qaar umada reer AWDAL iyo Selel tixgalinwayn u hayaan waxay weraarpress.com uga digaysaa in aanay kusii dhiiran in loo isticmaalo siyaabo qaldan.
Kuwa qiirada jaban kula wareegaya umada reer Awdal/Selel ee websiteyada kusoo qoraya Awdal/Selel waa la xumaynayaa hadana umada daba waydaranaya ee ka faa ‘ iidaysanay daacad nimada umada reer Awdal waxan u sheegaynaa in la ini ogyahay.
Wariye: Yusuf Cabdi
Weraarpress.com
UK
London
|